INTERVIEW WITH AASIYA ABDI ABDULLAHI - ADMINISTRATOR
Q1 Fadlan magacaa?
A1. Magacaygu waa Aasiya Abdi A/lahi
Q2 dadaadu waa imisa?
A2. Waxaan ahay 24jir
Q3 Halkeed kashaqaysaa?
A3. Waxaan ka shaqeeyaa wargayska haatuf
Q4 shaqadaadu waa maxay
A4. Waxaan ahay adminstration
Q5 maxaad shaqadan kudooratay?
A5. Waxaan ku dooortay waxaan xiiseeyaa in aan ku shaqeeyo xirfada aan baraty ee aan aqoonta uleeyahay
Q6 wakhti intee leeg baad shaqadan haysay?
A6. Waxaan ka shaqaynayay shaqadan mudo sanad iyo badh
Q7 Hada wax ma bartaa?
A7. Haa waan bartaa waxaan dhigtaa jaamacada hargaisa
Q8 Heerkaag waxbarasho waa intee inleeg?
A8. Waa suaal wanaagsan waxaan ahay heer jaamacadeed
Q9 maxaad qaban jirtay shaqadan kahor?
A9. Waxaan ahaan jiray nurse ka shaqaysa dhakhtarka adna hospital
Q10 intee inleeg baan shaqo raadis ahaa?
A10. Waxan raadinayay mudo sanad ah
Q11 hada shaqada aad hayso maku qanacsantahay?
A11. AHaa waan ku qanacsanahay waayo waa hadafkayga in aan ku shaqeeyo xirfadayda
Q12 shanta sano ee soo socda maxaad hiigsanaysaa?
A12. Waxaan hiigsanyaa in aan sii wato waxbarashadayda ilaa heer master ah.
Q13 Hada shaqadan koox malashaqaysaa?
A13. Haa waan la shaqeeyaa waanan jecelahay wada shaqaynta.
Q14 maxaad u jecashahay wada shaqaynta?
A14. Sababtoo ah wadashaqayntu waxay ku fiicantahay waxad ku gaadhaysaa horumar waxaanad kahelaysaa waayo aragnimo faro badan dadka aad lashaqaynayso.
Q15 maxaad kabaratay shaqadan?
A15. Waxaan kabaratay waayo aragnimo faro badan iyo kalsooni faro badan oo ay heshay naftaydu taas oo aan ogaaday in aan ku shaqaysan karo xirafadayda gaarka ah iyo aan dad aad ufaro badan lashaqaynkaro iyo bulso dhaxgal ah?
Q16 yaad ku daytaa ee tusaale kuu noqankara mustaqbalka?
A16. Waxan ku daydaa qof kasta oo muslim ah oo horumar gaadha oo hawlkar ah sida faaduma said.
Q17 maxaad usoo jeedinaysaa dhalinyarta qayrkaa ah ee ubaahan fursadan shaqo?
A17. Waxan usoo jeedinayaa in ay usamraan camal laaanta oo ay ku iska sii wataan waxbarashadooda ilaa ay helayaan shaqo.
Q18 hadad hesho maalgain maxaad kusamayn lahayd?
A18. Waxaan kusamayn lahaa ganacsi aan anigu maamulo oo dad aad ufaro badan kahelaan shaqo.
This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of www.shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.