Hordhaca Barnaamijka
Sharax Kooban oo Ku Saabsan Mashruuca Shaqodoon
Shaqodoon waa mashruuc ay maalgalisay USAID ujeedadiisuna tahay in dhalinyarada somalida ku nooli helaan fursado ay ku raadsadaan shaqo, tababaro,shaqooyin ku abuurtaan iyo inay helaan shaqooyin ay ka helaan khibrad korodhsi. Ujeedada mashruucani waa in la xidhiidhiyo dhalinta shaqo raadiska ah iyo dadka ganacsatada wadanka ama cidii kale ee shaqo bixinaysa.Mashruucan waxa loogu talo galay inuu ka qaybqaato daganaanshaha iyo horumarka wadanka.
Qiimayntii Mashruuca Ka Hor la Sameeyay
Hay’ada EDC iyo Mercy corps ayaa waxay sameeyeen qiimayn iyagoo la tashanayay ganacsatada, xarumaha tabarada, jaamacadaha, waxaanay sameeyeen gudi ka kooban saraakiil ka shaqaysa adeega guud iyo dhalinyaro. Ka dib qiimayntaa waxa ay EDC samaysay qaabka mashruucu noqonayo iyadaana hadda fulisa mashruuca.
Kooxdii qiimaynta samaysay waxay ogaadeen in loo baahanyahay hab shaqo-bixiyayaashu si wanaagsan ugu fahmaan nooca xirfadeed ee ay u baahanyihiin, hab ka caawinaya goobaha waxbarashada iyo tababarada bixiya inay la yimaadaan progaramyo ka jawaabaya baahida xirfadeed ee ka jirta suuqa, hore u marinaysana xirfadihii hore ee jiray ama tababaradii hore ee jiray kana caawinaysa dhalinta inay si wax ku oola u raadsadaan fursadaha shaqo iyo nolol maalimeedba.Shaqodoon ayaa jawaab u ah arrimahan oo dhan.
Waxqabadyada Mashruuca
Mashuurucu hadda waxa uu ka shaqaynayaa sidii uu u gaadhi lahaa ujeedooyinkiisa, taasi oo ay fulinayaan kana hawlgalaan shaqaalaha iyo cida loo xushay inay mashruuca kala shaqayso sida, Jaamacdaha, NGOska iyo ganacsatada, ku waasi oo lagu xushay hab adag. Waxa kale oo u mashruucu suurto galiyay tabaro iyo xarun ay imanaayaan dhalintu si ay uga helaan wixii talo iyo tusaale ah, iyo mareeg( website) ciwaankeedu yahay www.shaqodoon.org. Mashruucu waxa uu hadda ka shaqeeyaa somaliland waxaana dabayaaqada sannadka 2009 la gaadhsiin doonaa Puntland iyo koonfurta Somalia.
Shaqodoon wuxuu kala shaqaynayaa shaqo-bixiyayaasha sidii ay u ogaan lahaayeen xirfadaha shaqo e ka maqan ama ay ubaahanyihiin, sidoo kale inay ka caawiyaan goobaha waxbarashda iyo tababarada bixiya inay mashruuca ka faaiidaystaan. Shaqaalaha mashruuca iyo cida la fulinaysa mashruuca Shaqodoon hay’ada EDC waxay bilaabeen inay bixiyaan waxii dhalinta ka caawinaya inay shaqooyin helaan , iskood shaqo u abuurtaan, helaan shaqooyin ay khibrad ka korodhsanayaan iyagoo la siinayo tababaro, talooyin iyo tusaalayaal arrimahan ka caawinaya. Mashruucu waxa uu tijaabinayaa hab la isticmaalayo mobilada iyo mareegta ( websiteka) si la iskugu xidho ururada fursadaha shaqo ka banaanaadaan iyo dhalinta shaqooyinkaa u baahan.