Interview with Mahad ibrahim Jama - Electrician - UNIECO workshop
1. Fadlan magacaa?
Magacaygu waa mahad Ibraahim jaamac
2. Dadaadu waa imisa jir?
Da daydu waa 22sano
3. halkee hada kashaqaysaa?
Waxan ahay nin kalidii kushaqaysta xirafada aan bartay taas oo aan maalin walba aan helo fursad shaqo oo suuqa taala oo electrician ah oo aan maalin walba hagaajiyo waayiro ama fiishash xumaaday suuqa iyo xaafada dhexdooda.
4. Shaqadaadu waa maxay?
Waa electrition
5. maxaad shaqadan kudooratay?
Waa suaal wanaagsan waxaan shaqadan kudooratay waa shaqo joogto ah oo aad heli karto fursado shaqo oo aad baahidaada ku dabooli karto.
6. wakhti intee leeg ah baad shaqadan haysay?
Waxan ka shaqaynayay shaqadan mudo afar bilood ah.
7. hada wax mabartaa?
Haa waxaan bartaa barashada electric ah maaha mid dhamaata oo maalin walba wax cusub baa lagusoo biiriyaa taas baana igu kaliftay in aan sii kordhisto barashadiisa.
8. heer kaaga waxbarasho waa intee?
Heerkayga waxbarasho waa dugsi sare waan dhameeyay markaas baan uleexday barashada xirfadan electirga.
9. maxaad qaban jiratay shaqadan kahor ?
Waxaan ahaan jiray arday laakiin waxan iska jeclaa marka aan waxbarashada kasoo rawaxo ayaan hagaajin jiray waxyaabaha yaryar ee kaxumaada xaafadaha aan jaarka nahay taas baa marwalba waxan maskaxda kuhayn jiray in aan helo fursad aan ku barto electeric.
10. Intee inleeg baad shaqo raadis ahayd ?
Mudo badan ayaan shaqo raadis ahaa waxan ku qiyaasi karaa ilaa 3sano in aan helo shaqo taas oo aan usamray sidii aan u heli lahaa shaqadan.
11. Shaqadan aad hayso maku qanacsantahay?
Haa waan ku qanac sanahay waayo rajadayda ayaa ahayd in aan helo shaqadan.
12. Shanta sano ee soo socda maxaad hiigsnaysaa?
Waxaan rajaynayaa in aan noqdo electrician buuxa oo aqoon buuxda yaasha xaga electirga ah.
13. Hada shaqadan aad hayso koox malashaqaysaa?
Maya lama shaqeeyo kalidaybaan shaqeeyaa waayo maan helin dad aan wada shaqayno.
14. Majeceshahay wada shaqynta?
Waan jecelahay in aan koox lashaqeeyo waayo aqoon baan kala korodhsanaynaa iyo hawlaha ayaa noo fududaanaya marka aan koox ku shaqayno.
15. maxaad kabaratay shaqadan hada oo casharo ah?
Run ahaan tii waxyaabo faro badan ayaan kabartay sida dabka loo qaybiyo iyo waxan ogaaday in aan dhamaytiri karo guri dhan sida dabka loogasho.
16. yaad kudaytaa oo tusaale kuu ah?
Horta in aan qof ku daydo ma jecli waxan ogahay qof wal oo electrician ah in isaga mustaqbalka lagu dayan doono xirfadiisa iyo hawlkarnimadiisa taas oo aan rabo in aniga laygu daydo mustaqbalka.
17. maxad talo usoo jeedinlahayd dhalinyarada ubaahan fursadan shaqo?
Waxan kula talin lahaa dhalinyarada suuqa joogta in ay kafaaidaystaan wakhtigooda oo ay usoo hiloobaan barashada electricga taas oo hadii ay ogaan lahaayeen muhiimadeeda ay baran lahaayeen si noloshooda mustalbalka ushaqaysankaraan.
18. haddii aad heli lahayd lacag maxaad kusamayn lahayd?
Waxaan ku furi lahaa meel dadka danyarta ah ee ubaahan fursado waxbarasho in aan ufuro machad barashada farsamada gacanta ah.
This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of www.shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.