SHAQODOON

Xidhiidhinta Shaqodoonka iyo loo shaqeeyaha, Xidhiidhinta Wax bartaha iyo wax baraha

Home
Who We Are
What We Do
Where We Work
Technology
Media Center
Youth Corner
Partner Resource
Publications
Fatima Hassan Interview - Lab Techician - Hargeisa
 

Waraysi uu boga Shaqodoon layeeshay Faadumo Hasan ,oo ah inan dhalinyaro ah oo ku shaqaysata xirfada Shaybaadhka.

 

Q1. Faadumo ma noo sheegi kartaa meesha aad ka shaqayso iyo waxa kale ee aad qabato?

 

A1. Waxa aan ahay gabadh hadda barata culuumta komputerka ,kana barata Jaamacada Hargeisa .waxa aan hadda ka shaqeeyaa laba meelood oo kala ah Dhakhtarka wayn ee Hargeisa iyo xaananada caruurta agoonta ah loogu talo galay waxa aanan ku shaqeeyaa xirfada Shaybaadhka .

 

Imika waxa aan badhtamaha kaga jiraa barashada culuumta kombuutarka ,oo ay iiga hadhay laba sano qaadashadii degreega ugu horeeya ee culuumta kombuutarka .

Waxa aan rajaynayaa  inaan dibada u baxo si aan u soo barto Dhakhtarnimo ,gaar ahaan inaan tago wadanka malaysia halkaas oo walaalkay ka barto culuumta kombuutarka .

 

Q2. Maxaad ku dooratay inaad noqoto shaybaadhe?

 

A2. Edaday ayaa ah Shaybaadhe ka shaqaysa Somaliland markaa edaday ayaa igu dhiiri galisay , saamayn wayna ku yeelatay waxa aan baranayo ee aan ku shaqaysanayo.

Waxa aan jecelahay inaan aad ugu hora maro oo aan noqdo dhakhtarad bulshadeeda wax u tarta .

 

Q3. Intee ayaad hadda shaqadan ka shaqaynaysay?

 

A3. Waxa aan ka shaqaynayay 3 sano.

 

Q4. Shaqadan ka hor maxaad qaban jirtay?

 

A4. Ka hor shaqadan aan hadda hayo waxan ka tirsanaa urur wadaniya .Waxa aanan ahaa Tafatire Wargays uu ururku soo saaro ,markaas waxa aan u soo wareegay dhakhtarka waynee Hargeisa.

 

Q5. Intee in leegbaad shaqoraadis ahayd ka hor shaqadan aad hadda hayso?

 

A5. Waxa ay igu qaadatay inaan shaqo helo muddo hal sano ah. Meel kasta waxa aan gayn jiray CVgayga ,gaar ahaan dadka aan isleeyahay shaqo ayaa ay bixinayaan ,waxa kale oo aan akhriyi jiray Joornaalda wadanka kasoo baxa si aan ula socdo haddii ay shaqo banaani ku qorantahay, waxa kale oo ii sheegi jiray dad qaraabada ah ama asxaabtayda haddii ay shaqo banaani jirto. Somaliland ma fududa sida shaqo loo helaa. Shaqooyinkan aan haddda hayo mid kamida waxa ka tagtay inan aanu asxaab nahay, markaa iyada ayaa i ogaysiisay inay shaqo banaantahahay ana waan dalbaday, aniga oo keensaday cadaymahaygii, sidii baan ku helay. Mararka qaar inaad dad ka taqaano meesha aad shaqoda ka raadinaysid waa muhiim si aad caawimo uga heshid. Shaqadan hadda aan ku jiro ee dhakhtarka waynee Hargeisa waxa aan ku qaatay Tababar-shaqo oo lixbilood ah markaasan markii danbana ka noqday shaqaale. Markii aan tabarka-shaqo ku jiray maan ku qaadan jirin wax lacag ah,waxa aanan lahaa dan ka wayn inaan lacag qaato, waxa aanan doorbidayay inaan khibrad helo aan ku shaqo tago, waxa aan hadda ku hanwaynahay guusha aan gaadhay.

 

Q6. Shaqadaadada aad hadda hayso maku faraxsantahay? Sheeg sababta?

 

A6. Bilowgii shaqada aad baan ugu faraxsanaa shaqadan aan hayo hadda, maxaa yeelay qalabka shaqada oo dhami way fiicnaayeen si fiicana waanu ugu shaqayn jirnay.

Laakin imika qalabkii shaqada qaar kamida ayaa aan shaqaynayn, markaa kuwa aan shaqaynayn waxa aanu ka qabanaa gacanta oo ah runtii shaqo adag. Waxa aan filaynaa inay dhawaan dib u shaqayn doonan.

 

Q7. Shanta sano ee soo socota halkeed rabtaa inaad gaadhid?

 

A7 Shanta sano ee soo socda waxa aan rabaa inaan noqdo dhakhtarad kasoo qalin jabisay jaamacad fiican, sida kuwa Malaysia ama Pakistan kuna soo nodo Somaliland kana shaqeeyo.

 

Q8. Faadumo, waa ayo cida tusaalaha kuu ah ee aad ku dayataa?

 

A8 Edna Aadan ayaa ii ah tusaale fiican oo aan ku daydo ,waayo waa qof hawlo badan qabatay, waa gabadh shaqo badan .Waa Wasiirkii ugu horeeyay ee dumara ee qabata Wasarada Arrimaha Debada ee Somaliland. Waa gabadh leh cusbitaal wayn oo private ah oo ay ku dhisatay xoogeeda iyo lacag caawimo ah oo ay ka heshay dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga. Waana qof bulshada kaalin muhiima ku leh

 

Q9. Haddii hadda aad haysan lahayd lacag hal million oo dollar ah maxad ku qaban lahayd?

 

A9 Marka hore xajka ayaan tagi lahaa, marka labaadna waxa aan caawimo u fidin lahaa dhakhtarka waynee Hargeisa.

 

Q10. Faadumo, waa maxay waanda aad siinayso dhalinyarada reer Somaliland ?

 

A10. Waxa aan ku waanin lahaa dhalintu inaanay tahriibin ,dhalinyaradu waa lafdhabarta wadanka waa inaanay halis galin naftooda. Waxa aan ku waaninayaa inay ku kalsoonaadan wadankooda ,iyo bulshadooda fursado shaqona raadsadaan, Dhailntu waa inay sameeyaan si kasta oo shaqo ay ku helayaan ,waa inay ka raadiyaan Joornaalada ,waa inay waydiiyaan cid kasta oo xog ogaal u ah ,waa inay iyagu isku xidhnaadan. Waxa jira ururo bixiya deeq wax barasho waa inay raadsadaan dulqaadna u lahaadan raadsashada shaqada iyo tababarada ay u baahanyihiin si ay uga faa'iidaystaan. 

 


This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of the shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.