SHAQODOON

Xidhiidhinta Shaqodoonka iyo loo shaqeeyaha, Xidhiidhinta Wax bartaha iyo wax baraha

Home
Who We Are
What We Do
Where We Work
Technology
Media Center
Youth Corner
Partner Resource
Publications
Interview with Hassan Abdi- Lab Technician - Hargeisa  
 

Q1. Fadlan magacaaga ma noo sheegi kartaa?

 

A1. Xasan Cabdi.

 

Q2. Imisa jir ayaad tahay?

 

A2. 23 sano ayaan jiraa.

 

Q3. Halkee ayaad hadda ka shaqaysaa?

 

A3. Waxa aan ka shaqeeyaa Cisbitaalka Wayn ee Hargeisa, qaybta Shaybaadhka.

 

Q4. 4 Waa maxay shaqada aad haysaa hadda?

 

A4. Waxa aan ahay Shaybaadhe ,waxyaabaha aan qabtana waxa kamida ,baadhida dhiiga , kaadida ,iyo dheecaanada kale ee la baadho.

 

Q5. Maxaad shaqadan ku dooratay?

 

A5. Qofkastaaba waxa jira wax uu xiiseeyo ,aniguna had iyo jeer waxaan xiiseeyaa Dhakhtarnimada ,waxa aan jecelahay inaan caawiyo Bulshadayda.

 

Q6. Mudo intee leeg baad ka shaqaynaysay shaqadan ?

 

A6. Waxa aan ka shaqaynayay 1sano iyo 6 bilood.

 

Q7. Hadda wax ma barataa?

 

A7. Galabtii waxa aan bartaa Bussineska oo aan ka dhigto jaamacada Hargeisa ,waxa aan ku doortay inaan barto Bussineska waxa aan ka jirin Jaamacada Hargeisa barashada aqoonta Shaybaadhka .waxa aan baranayay aqoontan saddexdii sano ee u danbeeyay.

 

Q8. Maxaad qaban jirtay shaqadaada ka hor?

 

A8. Waxa aan ahaa arday wax kabarta Dhakhtarka Edna .Waxa aan wax ka baranaayay muddo hal sano ah oo aan bartay xirfada Shaybaadhnimada.

 

Q9. Muddo intee leeg baad shaqo raadis ahayd inta aadan helin shaqadan?

 

A9. Waxa aan raadinayay mudo laba bilooda inta aan shaqada la iga siin Shaybaadhka Dhaktarka wayn ee Hargeisa .Wasaarada Caafimaadka ayaa soo xaysiisay 16 shaqooyin banaana waxa aanan ka mid ahaa lix iyo tobankaa qof oo ku soo baxay imtixaan.

 

Q10. shaqadan ka hor xageed ka shaqayn jirtay?

 

A10. Tanaa ah shaqadaydii ugu horaysay.

 

Q11. Shaqadan ma ku faraxsantahay?

 

A11. Waa aan ku faraxsanahay inaan ka shaqeeyo Cusbitaalka Hargeisa ,maxaa yeelay waxa aan ka kordhsadaa aqoon maalinkasta .Waxa aan dareemaa farxad marka aan caawiyo bulshadaydada ,waxa kale oon dareema inaan arintan qof wanagsan ku noqonayo.

 

Q12. Shanta sanno ee soo socota maxaad hiigsanaysaa?

 

A12. Shanta sanno ee soo socota waxa aan rajaynayaa inaan korodhsado xirfado badan oo la xidhiidha waxa aan ka shaqaynayo si aan u noqdo Dhakhtar caafimaad ,Dhakhtar xaga neerfayada ah ama wadnaha oo kale. Waxa aan rajaynayaa inaan korodhsado khibrad dhinacyo badan ah markaa si aan tan u sameeyo waa inaan galaa Jaamacad lagu barto Caafimaadka oo Somaliland ah.

 

Q13. Wada shaqayn-kooxeedka sideed u aragtaa?

 

A13. Waa aan jecelahay inaan la shaqeeyo kooxo kala duwan waana arrin fudud .Waxa aanu ku joognaa dad badan qaybtan shaybaadhka qofkastaana waa qof wax mihiima haya oo hawl mihiima qabanaya qofkastana waxa uu leeyahay shaqo ku waajiba .qofksatana waa lagu ixtiraamaa shaqada uu hayo dhamaantayana waan is tix galinaa .wax aanan maskaxda ku haynaa muhiimada inuu qofwalba siiyo shaqadiisa.

 

Q14 Maxaa aad ka baratay shaqadan hadda aad hayso ee xirfada?

 

A14. Waxa aan ka bartay xirfado badan shaqadan aan hadda hayo waxa kamida wada shaqaynta ,xidhiidhka dadka , xanuuno aan bartay IWM ku waasi oo ka duwan waxa aan iskuulka ku dhigto.

 

Markii aan iskuulka ku baranayay waxa aan qaadan jiray casharo kaliyaa oon lahayn wax practical ah oo gacanta laga qabanayo ,lakin hadda waxa aan qaadana iyagoo practical ah oo gacanta laga qabanayo. Wax barashadani kaama joojinayso iskuulka inaad sii wado had iyo jeer waxa aad u bahantahay inaad hor u marisid aqoontaada si aad u hesho aqoonta casriga ah ito Technolojigaba.

 

Q15. Xasan yaad ku dayataa ,oo tusaale kuu ah?

 

A15. Waxa tusaale ii ah ninka maamula qaybtayadan shaybaadhka .waa shaqsi aad u hawl kar ah dadaal badan oo leh wax uu hiigsanayo .waxa aan ku daydaa isaga had iyo jeer si aan isga oo kale u noqdo maalin uun.

 

Q16. Maxaad kula talinaysaa dhalinta kale si ay shaqo u abuurtaan?

 

A16. Waxa aan kula talinayaa inay aqoon korodhsadaan si ay mustaqbalka wax u noqdaan waxna ay u bartaan .Waxa aan kula talinayaa dhalinyarada haddii ay shaqo waayaan waa inay raadsadaan meelo ay shaqoda ugu tababaranaayn ama si mutadawacnimo ah ay uga shaqeeyaan waa inaanay is dhiibin si ay fursado u heelaan.

 

Q17. Haddii aad heli lahayd Hal Milyan maxaad ku qaban lahayd?

 

A17. Waxa aan ku deeqi lahaa oon dhisi lahaa Jaamacad lagu barto Dhakhtarnimada oo aan ka dhisi lahaa jaamacada Hargeisa ,waxa aancaawin  lahaa Dhaktarnimda ardayda baranaysa oon ka bixin lahaa fiiga wax barashada.

 


  
This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of www.shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.