SHAQODOON

Xidhiidhinta Shaqodoonka iyo loo shaqeeyaha

Home
About Us
News
Volunteers
Mogadishu
Puntland
Somaliland
Business
Search Job
Youth Development
Finance
Video's
Team
Publications
Contact Us
Accessibility
Calendar
Site Map
Gallery
FA%

INTERVIEW WITH AXMED MUXUMED JICSIN – IT MANAGER

 

Q1. Fadlan magacaa?

A1. Magacaygu waa Axmed muxumed jicsin 

Q2. Dadaadu waa imisa?

A2. Da daydu waa 23

Q3. halkeed hada kashaqaysaa?

A3. Waxaan kashaqeeyaa organisation layidhaa pfpdd

Q4. waa maxay shaqadaadu?

A4. Shaqadaydu waa IT manager

Q5. maxaad ku dooratay shaqadan?

A5. Waa su aal wanaagsan waxan shaqadan ku doortay khibarad baan uleeyahay iyo aqoon farabadan waxaanan leeyahay kalsooni buuxa in aan shaqadan buuxin karao

Q6. wakhti intee leeg baad shaqdan haysay?

A6. Waxaan ka shaqaynayay shaqadan mudo sadex sano ah

Q7. hada wax mabrataa?

A7. Haa waan  bartaa waxan bartaa  cilmi nafsiga phylosapy

Q8. heer kaaga waxbarasho waa intee?

A8. Heerkayga waxbarasho waa heer jaamacadeed

Q9. maxaad qaban jiratay shaqadan kahor?

A9. Waxaan ahaan jiray ganacsade  kashaqaysta suuqa hargiesa oo aan tukaan kulahaa

Q10. intee in leeg baad shaqo raadis ahayd intaanad shaqadan helin?

A10. Waxaan raadianayay shaqadan mudo shan bilood ah

Q11. kawaran barnaamijka shaqodoon?

A11. Runtii waa barnaamij wanaagsan oo waxtar leh waana barnaamij  wadanku ubaahnaa

Q12. maxaad rajaynaysaa  mutaqbalka in aad noqoto?

A12. Waxaan hiigsanaa in aan noqdo managerka organisationkan  oo ah runtii xafiis ka shaqeeya horumarinta bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo aan jecalahay kii kulmin lahaa dhamaan dhalinyarada reer Somaliland meel kasataba hajoogaane.

Q13. shaqadan koox mawada shaqaysaan?

A13. Haa waan wada shaqaynaa waanan jecelahay wada shaqaynta.

Q14. majecashahay wada shaqaynta?

A14. Haa si wacan sababtoo ah wada shaqaynta shaqada ayaa ku fududaata bulsho ladhaqankana waa laga bartaa.

Q15. maxaad kabaratay shaqadan  oo casharo ah?

A15. Runtii waxan kafaaiday kalsooni in aan  ku shaqysan karo khibrada aan bartay iyo dad lashaqayntaba.

Q16. yaad ku dayataa oo tusaale kuu ah?

A16. Waxaan ku daydaa exutive director kayaga mr. maxamed Hassan oo runtii ah nin hawl kar ah

Q17. maxaa talo ee aad siin lahayd dhalinyarta ubaahan fursadan oo kale?

A18. Run ahaantii wadankeena waxa ku badan shaqo la aanta waxayna maraysaa 90/0 markaa waxan kula talin lahaa dhalinyarta soo kacaysa een helin fursado shaqo ama waxbarasho in aanay niyad jabin ee ay dedaalaan oo ay waliba bartaan farsamada gacanta. Waxan kale oo aan kula talin lahaa in ay qabtaan shaqooyinka ay kashaqeeyaan dadka shisheeyaha ah ee dalkeena sida sharci darada ah kujooga waayo?shaqada yar ayaa shaqada badan lagu gaadhaa

Q18. hadaad heli lahayd maalgalin maxaad ku samaynlahayd?

A19. Waxaan samaynlahaa mashaariic ganacsi sida khayraadka dhulkeena oo aan suuq usamayanlahaa sida macdanta. Waxan kale oo aan samayn lahaa mashaariic shaqo abuuris ah dhalinyarada.


  
This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of www.shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.