Interview with Khalid Ali Ahmed - Carpenter - UNIECO Workshop
S: Fadlan magacaa?
J: Magacaygu waa khaalid Ali Ahmed
S:daadu waa imisa?
J: Waxaan ahay 18 jir
S: halkee hada kashaqaysaa?
J: Waxaan ka shaqaystaa suuqa iyo xaafada aan deganahay waxii hawl nijaarnimo looga baahdo ayaan qabtaa taas oo aan maalin walba lakulmo hawl aan qabto
S: shaqadaadu waa maxay?
J: Waxan ahay nijaar
S: maxaad shaqdan ku dooratay?
J: Runtii waa suaal wanaagsan Anigu waxan shaqadan ku doortay waa farsamo wanaagsan oo wax aan ku qabsan karo oo aan kasugayo rajo wanaagsan iyo xirfad aan ku shaqaysto mustaqbalka
S: wakhti intee leeg baad kashaqaynaysay shaqadan?
J:Waxaan kashaqaynayay shaqadan mudo ilaa lix bilood ah.
S:hada wax ma barataa?
J:Haa, waxan bilaabay xirfad nijaarnimada ah ka dib markaan maqlay barnaamij Shaqodoon layidhaa oo deeq waxbarasho ah ayaa jira ayaan goaansaday inaan dib ubilaabay in aan kasii kordhisto aqoontayda xirafadeed ee aan ku shaqaysto
S: heerkaaga wax barasho intee ayuu gaadhsiisan yahay?
J:Heerkayga wax barasho waa dugsi dhexe
S: maxaad qaban jirtay shaqadan kahor?
J:Waxaan ahaan jiray arday dhigta iskuulka markaa si lama
filaan ah ayay anoo iskuulka dhiganaya iigu dhalatay in aan farsamadan barto sababtoo ah kalsooni ayaan kaqabaa in aan ka helayo baahiyahayga nolol maalmeed.
S: intee in leeg baad shaqo raadis ahayd intaanada helin shaqodan?
J:Runtii markii aan bartay xirfada nijaarista waxan nasiib uhelay in aan markiiba shaqo helo,wax kayar hal wiiig bay igu qaadatay raadinta shaqadu waayo xirfadan aan bartay shaqo laguma waayaba taas baana igu dhiiri galisay in aan sii barto xirfadan ilaa aan guul kagaadho.
S: shaqada aad hada hayso maku qanacsantahay?
J:Aad ayaan ugu qanacsanahay shaqadan waayo kalsooni buuxa ayaan kahaystaa inay tahay xirafad aan ku heli karo nolol maalmeedkayga iyo mustaqbalka in aan sii korodhsado aqoontayda xirfadeed.
S: maxaad hiigsanaysaa mustaqbalka soo socda?
J:Waxan rajaynayaa in aan noqodo farsamo yaqaan can ah oo bulshada dhexdeeda lagayaqaano oo baahida farsamo ee dalka kajirta wax kaqaban kara.
S: hada shaqada aad hayso koox malashaqaysaa?
J:Haa waan lashaqeeyaa waanan jecelahay in aan koox lashaqeeyo
S: majeceshahay wada shaqaynta?
J:Haa waan jecelahay in aan lashaqeeyo koox waayo waxay iga caawinayaan inta aan kaligay raadin lahaa shaqo in aan koox isku xidhan noqono oo aan urur samaysano si shaqooyinku noogu soo xidhmaan ururkayaga.
S: maxaad kabaratay shaqadan hada wax casharo ah?
J:Waxaan kabartay casharo farabadan sida noocyada nijaarista iyo faaradu ushaqayso iyo qaybahooda oo dhan sida looxaan jarista, albaabo jarista iyo qiyaasaha nijaarku ku shaqeeyo.
S: yaad ku dayataa oo tusaale kuu ah?
J:Waxaan rabaa in aan kudaydo macalinkayga oo aan rabo in aan noqdo mustaqbalka macalin bara dadka nijaarista.
S: maxaa talo ah ee aad siin lahayd dhalinta ubaahan fursadaha nolosha?
J:Waxaan kula talin lahaa in ay kafaaidaystaan fursadaha deeqaha waxbarasho ee dalka kajira si ay unoqdaan dad xirfad barta oo isku filaansho gaadha.
S: hadaad heli lahayd lacag maxaad ku samayn lahayd?
J:Waxaan ku samayn lahaa warshad faarad ah iyo mid dhismahaba soo saarta iyo machad dhalinyaradu ay ka bartaan xirfado nijaarista ah.
This web site is made possible by the support of the American People through the United States Agency for International Development (USAID). The contents of this web site are the sole responsibility of www.shaqodoon.org and do not necessarily reflect the views of USAID or the United States Government.